HomeAll newsSheekh Cali dheere"Garab hala siiyo dadka ku dhaqan Baladxaawo innagana gaashaan ayaan...

Sheekh Cali dheere”Garab hala siiyo dadka ku dhaqan Baladxaawo innagana gaashaan ayaan unahay”(Maqal)

Markii ugu horeysay xarakada shabaabul mujaahidiin waxay war rasmi ah kasoo saartay dhul boobka Kenya ay ka wado magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo.

Afhayeenka xarakada shabaabul mujaahidiin sheikh Cali Maxamuud Raagge oo uwaramay idaacada Andalus ee ku hadasha afka xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan  xiisada ka aloolsan Baladxaawo.

“Ma ahan markii ugu horeysay dowladda Nasaarada Kenya ay qabsato dhul Soomaaliyeed horay waxay uhaysatay dhul soomaaliyeed hadana waxay rabtaa intii harsanayd inay ku darsato”ayuu yiri Sheekh Cali isago tibaaxay in dulmigii iyo gardaradii Kenya ku heysay umadda un uu wali socdo.

Dadka ku dhaqan Baladxaawo ayaa u istaagay inay difaacaan Baladxaawo iyagoo dhagxaan kala hortagay dabaabaadka Kenya.

Ciidamo Soomaali ah oo ku sugan Baladxaawo ayaa dadka shacabka ah hortaagan iyagoo umuuqda in umadda ugarab qabanayaan Kenya.

Sheekh Cali dheere ayaa soo hadal qaaday cumaladaasi shisheeye kalkaalka ah,wuxuuna sheegay in ujeedada ciidamadaasi loo dhisay ee loo qalabeeyay ay ahayd in umadda Muslimiinta ah ucadaadiyaan shisheeyaha waxaana uu sheegay in kuwaasi hadii aysan jiri lahayn in shisheeyaha aysan ku dhiiran lahayn xadgudabkooda.

Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa dhan kale bogaadisay halganka ay wadaan dadka ku dhaqan Baladxaawo ee gobalka Gedo.

“Difaaca ay ku jiraan wuxuu difaac uyahay dadka ka danbeeya haddii gaalada ay ku guuleysato in dhulkaasi goosato waxay ku xijin doonaa dhul kale”ayuu yiri Sheekh Cali dheere

Wuxuu Muslimiinta ugu baaqay in garab iyo gaashaan lasiiyo dadka ku dhaqan Blaadxaawo  iyaguna hadii ay yihiin shabaabul mujaahidiin ay garab joogaan walaalahooda.

Halkan ka dhageyso wareysiga sheekh Cali dheere.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular