HomeAll newsReer Balad Xaawo Oo Dhagxaan La hortaagan Dabaabadaha Ciidamada Kenya.

Reer Balad Xaawo Oo Dhagxaan La hortaagan Dabaabadaha Ciidamada Kenya.

Qeybaha kala duwan ee shacabka magaalada Balad-Xaawo ayaa ka horyimid derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduud beenaatka ay wadaagaan dalka Soomaaliya iyo dhulka NFD ee dowladda Kenya gumeysiga ku heysato.

Shacabka ayaa dhagxaan la hortaagan dabaabadaha ciidamada Kenya oo kasoo gudbay xad beenaatkii hore, islamarkaana doonaya iney boobaan dhul hor leh oo katirsan soodintii hore ee magaalada Balad Xaawo.

Ciidamada Kenyaatiga ayaa ku guuleystay iney qodaan god dheer oo ah halka la doonayo in derbiga laga dhiso, waxaana ilaalinaya boqollaal askari oo Kenyaati ah oo ku hubeysan dabaabadaha dagaalka.

Shacabka Reer Balad Xaawo ayaa ku qeyla dhaaminaya inaaney marnaba ogolaan doonin in dhulkooda la boobo, taasna ay ka xigaan iney naftooda huraan.

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa afka juuqda gabay, waxaana weli ay ka hadli la’dahay dhul boob hor leh oo dowladda Kenya ku wado dalkeena Soomaaliya.

Arday Gedo kusugan oo Banaanbax looga soo horjeedo dhul boobka Kenya dhigay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular