Degmda Hodan ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo katirsan dowladda federaalka iyo malleeshiyaad ka amar qaata Imaaraatka Carabta.
Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka cul culus iyo kuwa fud fudud ayaa ka dhacay isgoyska km4 iyo Tarbuunka.
labada dhinac waxaa lasoo sheegayaa inuu khasaare kala gaaray balse lagama hayo wax faafahin oo dhameystiran.
Dagaalkan ayaa yimid xilli uu khilaaf kala dhexeeyo dowladda Imaaraatka carabta iyo dowladda uu Farmaajo hogaamiyo, waxaana uu salka ku hayaa khilaafkaas heshiis shirkadda DP World ay la saxiixatay maamulka Soomaali-land.