HomeAll newsMadaxweynihii hore ee dowladda Xassan Sheikh Oo loo diiday inuu helo Fiisaha...

Madaxweynihii hore ee dowladda Xassan Sheikh Oo loo diiday inuu helo Fiisaha lagu galo Maraykanka.

Xassan Sheikh Maxamuud ; madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ayaa ku guul dareystay inuu helo fiisaha dal ku galka Maraykanka, halkaas oo uu doonayo inuu kaga qeybgalo kulan looga hadlayo arimaha qaaradda Africa.

Xassan ayaa waxaa saameyn ku yeeshey go’aan kasoo baxay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kaas oo shucuubta dalal todobo gaaraya oo ay muslimiintu leeyihiin ugu diiday iney helaan fiisaha dal ku galka wadankiisa.

Agaasimaha golaha Main oo ah cida marti qaadka u fidisay Xassan Sheikh laguna magacaabo Kayth Makarthi ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegay iney aad uga xunyihiin in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh  Maxamuud loo diiday inuu soo galo dalka Maraykanka.

Arinta la yaabka leh waxay tahay in xeerka loogu diiday Xassan inuu galo dalka Maraykanka uu yahay xeer cusub oo diidaya in ” Muwaadin Shisheeye Argagaxiso ah” uu gudaha u galo dalka Maraykanka.

“Waxaan ka xumahay inaan idiin sheego in Qunsuliyada Maraykanka ee Soomaaliya ay fiisigii u Maraykanka kusoo geli lahaa udiiday Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, iyadoo fulinaysa Amarkii tirsigiisu ahaa 13769 ee wadanka Maraykanka looga ilaalinayay inay soo galaan argagixiso shisheeye ah” ayuu yiri Agaasimaha golaha Main.

Waa bahdil horleh oo dowladda Maraykanka ay kula kacday xulafadeeda ku gacansiinaya dagaalka ay kaga jirto dalka Soomaaliya ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed iyo halgamayaashooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Swedan ay sidan oo kale Xassan Sheikh Maxamuud u diiday inuu soo galo dalkeeda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular