HomeAll newsLa taliyihii Arimaha Dhaqaalaha ee Trump oo Shaqada isaga tagay.

La taliyihii Arimaha Dhaqaalaha ee Trump oo Shaqada isaga tagay.

Gary Cohn  oo ahaaa La taliyaha arimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu isaga tagay shaqadii uu ku hayay Aqalka cad ee looga arimiyo shacabka Maraykanka.

Bayaan uu soo saaray Cohn wuxuu ku sheegay inuu kamid ahaa dadkii dejiyay go’aankii Trump uu hoos ugu dhigay canshuurta laga qaado shacabka Maraykanka.

Gary Cohn ayaa loo aaneeyey ka tagistiisa shaqada iney timid kadib khilaafaad xaga maamulka ah oo soo kala dhexgalay isaga iyo Donald Trump, madaxweynaha diktaatooriga ah ee Maraykanka.

Dhawaan Donald Trump oo hadlay wuxuu sheegay iney jiraan mas’uuliyiin dhowr ah oo xilli dhow faarujin doona Aqalka cad, waxaana tan iyo markii uu xilka la wareegay jiray khilaafaad banaanka usoo baxay oo soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Aqalka cad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular