Heshiis dhexmaray qaar kamid ah kooxaha mucaaradka iyo maamulka Bashaar Al-Asad ayaa sabab u noqday in kumanaan ruux oo kamid ah dadka degan Quudhada bari ay ka barakacaan guryahooda, islamarkaana usoo guuraan deegaannada xurta ah ee wuqooyiga Suuriya.
Telefeshinka ku hadla afka nidaamka ayaa sheegay in kudhowaad 7000 oo ruux oo Reer Quudha ah oo ay ku jiraan qaar kamid ah kacdoon wadayaasha ay maanta oo sabti ah ka dhaqaaqeen Quudhada bari, iyagoona afka saaray dhanka gobolka Idlib.
Ciidamada Nidaamka ayaa la wareegay gebi ahaanba magaalada Xarastaa, waxaana ciidamada ay billaabeen iney boobaan waxyaabaha yaala guryaha ay dadka muslimiinta ah ka barakceen.
Waa barakicintii labaad oo noocan ah oo nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad kula kaco dadka muslimiinta ee Quudhada bari,