HomeAll newsKudhowaad hal Qarni kadib, maamulka Aala-Sucuud  oo u fasaxay Yahuudda iney isticmaalaan...

Kudhowaad hal Qarni kadib, maamulka Aala-Sucuud  oo u fasaxay Yahuudda iney isticmaalaan hawada dhulka Xarameynka!!

Ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuudda Bin Yamin Natanyahu oo hadlayay maalintii shalay oo isniin ahayd ayaa sheegay in markii ugu horeysay maamulka Aala-Sucuud u ogolaaday shirkadda diyaaradaha ee Hindiya ee loo yaqaano Air India iney isticmaasho hawada dhulka Xarameynka, iyadoo kasoo duuleysa magaalada Talla’biib ee dhulka Yahuudu xooga ku heystaan.

Hadalkan ayuu jeediyay Bin Yamin Natanyahu isagoo ku sugan magaalada Washington, kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Majirto war ku saabsan arintan oo kaso baxay maamulka Aala-Sucuud iyo maamulka shirkadda Air India, waxaana arintu u muuqataa mid  dhab ah, balse Aala-sucuud ay ka baqayaan oo keliya kacdoon shacbi, sidaas darteedna uga gaabsanayaan.

Tallaabooyin dhowr ah oo muujinaya in Aala-Sucuud doonayaan in si toos ah u iclaamiyaan xiriirka kala dhexeeya Yahuudda ayaa jira, waxaana kamid ah in dhulka Xarameynka lagu xiray dad badan oo muslimiin ah, kuwaas oo baraha Internetka ku baahiyay muuqaallo ay kaga hadlayaan cadaawada Yahuudda iyo iney xoog ku heystaan dhul ay leeyihiin muslimiinta.

Bishii hore ee aynu soo dhaafnay ayaa shirkadda diyaaradaha ee Hindiya waxay sheegtay iney dooneyso in saddex duulimaad todobaad weliba ay ku tagto magaalada Talla’biib ee caasimadda maamulka Yahuudda, xilligaasna shirkadda duulimaaadyada Aala-sucuud ayaa shaacisey inaaney waxba ka ogeyn arintaas.

Haddii arintani dhacdo waxay noqoneysaa 70 sano kadib in markii ugu horeysay diyaarado kasoo duulay Talla’biib transet kusoo noqdaan dhulka Xarameynka.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular