HomeAll newsKudhowaad 15 Askari Oo Ku dhintay Qarax Culus Oo ka dhacay Magaalada...

Kudhowaad 15 Askari Oo Ku dhintay Qarax Culus Oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qarax todobaadkii hore ka dhacay kasoo horjeedka hotel Wehliye

Qarax xoogan ayaa lagu weeraray bar kontorool oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan dowladda federaalka, gaar ahaan ilaalada madaxtooyada, Xarunta Baarlamaanka iyo wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda federaalka.

Qaraxa oo ahaa mid culus, jugtiisana laga maqlay meelo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa gallaaftay nolosha 13 Askari oo katirsanaa ciidamada ku sugnaa barta kontorool ee la weeraray.

Sheykh Cabdil Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta oo la hadlay idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada ayaa xaqiijiyay in weerarkaas ay ku dileen 13 Askari oo kamid ah ilaalada gaarka ah ee xarunta madaxtooyada.

Waa weerarkii labaad oo dhowr maalmood gudahood ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo lagu beegsaday ahdaaf milliteri oo muhiim u ah dowladda federaalka, waxaana tani ay ka marqaati kaceysaa in awooda Mujaahidiinta ay kusii xoogeysaneyso magaalada Muqdisho, xilli laamaha amniga ee dowladda ay aad ugu dadaalayaan iney ka hortagaan weerarada Mujaahidiinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular