HomeAll newsKoonfur Africa Oo qiratay in Saraakiil looga dilay Camaliyadii Afgooye.

Koonfur Africa Oo qiratay in Saraakiil looga dilay Camaliyadii Afgooye.

Sarkaal Ajnabi ah oo Tababar siinaya Askari katirsan dowladda.

Markii ugu horeysay tan iyo weerarkii istish-haadiga ahaa ee ka dhacay magaalada Afgooye, laguna xasuuqey inkabadna 100 askari oo katirsan ciidamada uu Imaaraatku tababaro ayay dowladda Koonfur Africa waxay qiratay in saraakiil kasoo jeeda dalkeeda lagu dilay howlgalkaas.

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Koonfur Africa ayay ku xaqiijisay in 4 sarkaal oo katirsan muwaadiniinteeda lagu dilay weerarkii Afgooye ay Mujaahidiintu ka fuliyeen maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Saraakiishan lagu dilay camaliyadda ayaa ahaa tababaryaasha malleeshiyaadka goobta joogay, waxaana horay dilkooda u xaqiijiyay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dowladda Koonfur Africa waxay dhanka kale sheegtay iney baareyso qaabka uu u dhacay qaraxaas iyo weliba sidoo kale awoodii uu lahaa, waana war u muuqda nafla caari oo ay dowladdu ku sabarsiineyso muwaadiniinteeda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular