HomeAll newsJamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradii Burkina-Faaso.

Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradii Burkina-Faaso.

Sida ay sheegeyso wakaaladda Al-akhbaar ee kasoo baxda dalka Murutaaniya, Jamaacada jihaadiga ee Nusratul Islaam Wal-muslimiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradii  aroornimadii jimcaha ka dhacay magaalada Wagadago oo ah caasimadda Burkina-Faaso.

Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa sheegtay in weeraradii ay ka fulisay Wagadago ay ugu aargudeysay hogaamiye katirsan saraakiisheeda, kaas oo dhawaan ay beegsadeen xoogaga Faransiiska ee duulaanka ku jooga dalka muslimka ah ee Maali.

Khasaara aad u farabadan ayaa ka dhashey weeraradan oo lagu beegsaday xarunta ciidamada dalka Burkina-Faaso iyo dhismaha safaaradda Faransiiska uu ku leeyahay dlakaas, waxaana dhimashadu ay gaartey illaa iyo 30 ruux oo dhamaantooda ahaa ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, halka dhaawucuna gaaray inkabadan 80 ruux.

Afhayeen u hadlay dowladda Burkina-Faaso ayaa ku eedayay waxa uu ugu yeeray “ Argagaxisada” iney ka dambeeyaan weeraradaan.

Dalkan ayaa qeyb ka ah isbaheysiga ay hor boodeyso dowladda Faransiiska ee duulaanka kusoo qaaday dalka muslimka ah ee Maali oo  ay intiisa badan gacanta ku hayeen mujaahidiinta, ka hor inta aanu Faransiisku soo duulin sanadkii 2013-ka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular