Diyaaradaha Ruushka iyo kuwa mujrimka Bashaar Al-Asad ayaa weli duqeymaha cadowtooyo ee lagu xasuuqayo dadka muslimiinta ee aan waxba galabsan eek u nool deegaannada quudhada bari ee DImishiq.
Duqeymaha oo si joogta ah uga socoda magaalooyinka kala duwan ee Al-Quudha ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxay dhimashada dadka muslimiinta ahi gaartay 31 ruux.
15 kamid ah dadkaas waxay ahaayeen caruur iyo dumar ku sugnaa dhismo horey u ahaa iskuul wax lagu barto oo ku yaala magaalada Carbiiin, waxaana duqeymaha ay isku mid ah u beegsanayaan magaalooyinka Dowmaa, Xarastaa, iyo kuwa kaloo farabadan.
Marka laga soo tago duqeymaha waxaa jira isku dayo ay malleeshiyaadka Rawaafida iyo Nuseyriyadu ku doonayaan iney kusoo iqtixaamaan magaalooyinka Quudhada bari, balse Mujaahidiinta ayaa taas ka biya diidan, waxaana dhacaya dagaallo culus.