HomeAll newsInkabadan 30 Ruux oo ku dhintay weeraro ka dhacay caasimadda Burkina-Faso.

Inkabadan 30 Ruux oo ku dhintay weeraro ka dhacay caasimadda Burkina-Faso.

Dagaalyahanno hubeysan ayaa aroornimadii JImcaha waxay weeraro culus ku qaadeen xarumo muhiim ah oo ku yaala magaalada Wagadago oo ah caasimadda dalka  Burkina-Faaso.

Ragga hubeysan oo adeegsanayay hubka darandooriga u dhaca iyo jaagadaha qaraxa ayaa weeraray xarunta ciidamada dalka Burkina-Faaso iyo dhismaha safaaradda Faransiiska uu dalkaas.

Dagaaal in muda  ah socoday ayaa ka dhacay labada goobood ee ragga hubeysan ay weerareen, waxaana dowladda Burkina-faaso ay sheegeysaa in gebi ahaanba raggii weerarka soo qaaday ay goobta ku dhinteen.

Warbaahinta maxalliga iyo kuwa caalamiga ayaa sheegaya in tirada dhimashada ee weeraradii jimcaha dhacay ay gaarayaan inkabadan 30 ruux, halka dhaawacyadu ay ku dhowyihiin iney gaaraan boqol ruux.

Ciidamo farabadan iyo saraakiil  katirsan  dowladda Burkina-faaso ayaa ku quur baxay weeraradaas, welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dowladda Faransiiska oo war kasoo saartay weerarka lagu qaaday safaaradda ay ku leedahya Burkiina-Faaso ayaa sheegtay inaaney jirin qof kamid ah muwaadiniinteeda oo ay waxyeello kasoo gaartay weerarkaas.

Qof ka ag dhawaa goobta ay wax ka dheceen ayaa sheegay inuu arkayay rag hubeysan oo dhabarka ku sita boorsooyin oo xoog ku galaya xarunta ciidamada, islamarkaana ay goobta ka carareen ciidamada dowladda.

Waa weerarkii sadexaad oo mudo labo sano gudahood ka dhaca dalka Burkina-Faaso oo qeyb ka ah xamlo dagaaleedka Faransiisku kusoo qaaday wadanka muslimka ah ee Maali.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular