
Iyadoo dhawaan uu khilaafaad muuqda oo banaanka yaala uu soo kala dhexgalay dowladda federaalka iyo tan Imaaraatka Carabta, kadib markii Xassan Cali Kheyrre ra’iisul wasaaraha dowladda uu sharci darro ku tilmaamay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekadda Berbera, ayay dowladda Imaaraatku billowday weerar afka ah iney ku qaado dowladda, iyadoo adeegsaneysa warbaahinteeda.
Siyaasiyiin caan ah iyo wariyaal katirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ay ku kulmaan waxay saacadihii lasoo dhaafay ku baahinayeen qoraallo ay ku weerarayaan Farmaajo.
Wargeyska Al-bayaan ee laga leeyahay dalka Imaaraatka ayaa warbixin dheer oo uu ciwaan uga dhigay “ Farmaajo.. Tacdiibiyaha Caruurta ee kala qeybinaya Soomaaliya” waxa uu ku daabacay mareegta uu ku leeyahay barta Internetka.
Warbixintan oo lagu tilmaami karo iney ahayd mid horor ah ayaa meelaha qaar waxay isdul taageysay arimo waaqici ah oo jira, taas oo ay ku fashilantay dowladda federaalka.
Wargeyska ayaa sheegay in dowladda Farmaajo ay ku guul dareystay iney fuliso ballanqaadyo badan oo ay sameysay markii la dooranayay, waxaana uu intaa ku daray in musuq maasuqa uu aad ugu baahay laamaha kala duwan ee dowladda.
Al-bayaan wuxuu sheegay in Farmaajo uu jeelasha ku guray caruur aad u farabadan, kuwaas oo si arxan darro ah loo tacdiibiyay, qaarkoodna xoog lagu ciidameeyey, waxaana uu wargeysku sheegay in Farmaajo uu iska dhega tiray baaq kasoo baxay hay’adda UNICEF, oo ahaa in caruurta loo sameeyo dhaqan celin.
Dhanka midnimada dhulka Soomaaliya ayuu wargeysku sheegay in Farmaajo aanu ku guuleysan, waxaana tallaabooyinka uu qaaday ay horseedeen dagaallo ku salleysan xuduudaha oo dhexmara maamullada qaar, sida Soomaali-land iyo Puntland.
Maamullada Federaalka ayuu sheegay wargeysku iney yihiin kuwa marka dhabta loo hadlo ka madax banaan dowladda dhexe, islamarkaana aanan ka amar qaadanin, wuxuuna soo gudbiyay dhacdooyin dhowr ah oo qaar kamid ah maamullada federaalka ay kasoo horjeesteen awaamiirta Farmaajo.
“ Mu’assasada ciidamada oo ah malafaatka amniga ee ugu adag Soomaaliya, ayaa lagu tiriyaa iney tahay tan ugu musuq maasuqa badan, waxaana miizaaniyada ciidamada ay ku dhecdaa jeebabka qaar kamid ah saraakiisha, iyadoo ciidamaduna ka cabanayaan hoos u dhaca dhanka tayada ah, halka mushaaraatka iyo adeegyada kale ee loogu talagalay la lunsado” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Al-bayaan oo laga leeyahay dalka Imaaraatka.
Linkiga hoose ka eeg warbixinta.
http://www.albayan.ae/one-world/arabs/2018-03-09-1.3205416