Warar ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya inuu sii kordhay khasaaraha ka dhashey qaraxii galabta ka dhacay kasoo horjeedka hotel Wehliye ee ku yaala wadada Makka Al-mukarrama.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaa ku sugnaa Saraakiil katirsan dowladda, Xillibaano iyo ciidamo katirsan dowladda, waxaana dhimasho ku noqday 15 Ruux oo dhamaantooda katirsan dowladda federaalka.
Waxaa jira dhaawacyo farabadan oo la geeyey xarumaha caafimaadka ee dowladda federaalka ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu sii kordho, maadaama dhaawacyada qaar ay yihiin kuwa garaab ah.