HomeAll newsFaafaahin: Dhimashada Ciidamada Shisheeye ee Dagaalkii Balcad oo gaartay 23 Askari.

Faafaahin: Dhimashada Ciidamada Shisheeye ee Dagaalkii Balcad oo gaartay 23 Askari.

Faafaahin dhameystiran ayaa laga helayaa dagaalkii qaraaraa ee maalintii shalay ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Balcad iyo Jowhar, kaas oo dhexmaray ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo shisheeyaha Burundi.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ay soo xiganeyso Idaacadda Islaamiga ee Alfurqaan ayaa xaqiijinaya in dhimashada ciidamada Burundi kasoo gaaray dagaalkii shalay inta la hubo ay gaareyso 23 askari.

Gawaarida dagaalka ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gaaray illaa iyo 17 gawaari oo isugu jira gawaarida kala duwan ee dagaalka, ayna adeegsadaan shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Dowladda Burundi oo dhankeeda ka hadashey dagaalkii shalay ciidankeeda ku qabsaday duleedka Balcad ayaa sheegtay in looga diley 5 askari, balse warkan ayaa u muuqda mid been abuur ah oo Shisheeyuhu ku doonayaan iney ku qariyaan khasaaraha gaaray.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular