Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo todobaadkiiba maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, laguna soo qaato mowduuc muhim ah oo loo baahi qabo ka hadalkiisa iyo falanqeyntiisa, waxaana jimcahan diiradda lagu saaray Sannad Iyo Bil Kadib Muxuu Farmaajo Kusoo Kordhiyay Dalka?
Waxaa marti ku ahaa oo ka qeyb galay aqoonyahan iyo indheer garad xog ogaal ah oo la socda xaaladda dalka iyadoo barnaamijka si aad ah loogu lafa guray qodobo kala duwan oo ay muhiim tahay in la taabto marka la qiimeynayo dowladda.