Diiradda Jimcaha waa barnaamij todobaadle ah oo lagu falanqeeyo mowduuca ugu muhiimsan ee ay hadal heyntiisu badan tahay una baahan in guntiisa loo soo bandhigo dad weynaha.
Mowduuc walba waxaan u doornaa dad ku haboon innagoo hor dhigna su’aalaha muhimka ah ee ay bulshadu is weydiinayaan.
Maanta waxaa barnaamijka lagu lafa guray heshiiska ay shirkadda DP World ay dekedda Berbera kala gashay Xabashida Itoobiya iyo Somaliland.
Barnaamijka waxaa lagu milicsaday sida uu yahay xaalka dekedaha wadanka iyo cidda mas’uulka ka ah dhibaatada shisheeyuhu wado ee maanta ka taagan wadanka.
Dad weynaha ayaa waxay dal iyo dibad kasoo dhiibteen aragtidooda iyadoo qaarkoodna ay toos usoo galeen barnaamijka iyagoo su’aalo weydiiyay Maxamad Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) wasiirkii arimaha gudaha ee dowladdii Cabdullaahi Yuusuf.
Halkan Kala Deg Barnaamijka oo Tayo Sare Ah 09-03-2018
Halkan Kala Deg Barnaamijka oo Tayo Dhexe Ah 09-03-2018
ALAAHUAKBAR