HomeAll newsDagaal U dhexeeya Malleeshiyaad Beeleed iyo Suufi Oo ka dhacay Galgaduud.

Dagaal U dhexeeya Malleeshiyaad Beeleed iyo Suufi Oo ka dhacay Galgaduud.

War kusoo dhacay warqabadka Idaacadda islaamiga ee Alfurqaan ayaa xaqiijinaya in deegaan katirsan gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya malleeshiyaad beeleed iyo kuwa suufi ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Miir-cade oo qiyaastii 45 Km galbeed kaga beegan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay dagaalkan ayaa hadana waxa lasoo sheegayaa in khasaare adag lagu gaarsiiyay malleeshiyaadka Suufiyada.

Gaari nooca dagaalka ah ayaa laga gubay Suufiyada, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday tiro aska ah oo iyaga katirsan.

Isibtaalka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa laga dareemayaa mashquul saa’id ah, waxaana la keenay dhaawacyo katirsan malleeshiyaadka Suufiyada.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular