Dabley hubeysan ayaa gobolka Shabeelaha hoose ku dilay dad shacab ah iyagoo qafaashay kuwa kale kadib markii ay kala degeen gaari ay saarnaayeen oo marayay halka loo yaqaano Laanta Buuro.
Sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, dableyda ayaa weeraray gaari caasi ah kadbna waxa ay si bareer ah u dileen afar ruux halka ay qafaasheen shan kale.
Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay arrintan ku dhacday laakin goobta ay wax ka dheceen ayaa waxaa deggan ciidamo ka tirsan kuwa milatariga ah ee dowladda federalkan.