
Gelinkii dambe ee maanta, waxaa deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho qarax lagula beegsaday gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar katirsan sirdoonka dowladda federaalka ee Shisheeyaha u shaqeeya.
Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaariga, waxaana halkaas ka dhashey burbur soo gaaray gaariga la beegsaday.
Askartii saarneyd gaariga waxay noqdeen dhimasho iyo dhaawac, manaa helin Idaacadda Alfurqaan tirada rasmiga ah ee waxyeeladu soo gaartay.
Qaraxyada noocan ah ee lagu beegsanayo ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa PS-ta ayaa soo badanayay maalmahan, dhawaan ayay ahayd markii gaari ay saarnaayeen ciidamadan lagu qarxiyay xaafadda Jeneraal Daa’uud, halkaasna waxaa waxyeelo daran lagu gaarsiiyay ciidamada la qarxiyay.