HomeAll newsCiidamo Itoobiyaan ah oo Ku Xasuuqmay Qarax lagula eegtay Baay.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Ku Xasuuqmay Qarax lagula eegtay Baay.

Wararka naga soo gaaraya wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in qarax aad u culus lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ee duulaanka gardarada ah ku jooga dhulkeena Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiyaanka ee la qarxiyay waxay saarnaayeen gaari Uural ah, waxaana markii uu qaraxu qabsanayay ay  marayeen deegaanka Awdiinle ee wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool.

Ugu yaraan 30 askari oo Itoobiyaan xabashi ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxan, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo oo idaacadda islaamiga ee Al-furqaan la hadlay.

Qaraxa ciidamada Itoobiyaanka beegsaday wuxuu ahaa noocyada dhulka lagu aaso ee Miinooyinka.

Askarta Itoobiya ayaa inta badan marka ay isticmaalayaan wadooyinka deegaannada Baay iyo Bakool waxay la kulmaan weeraro iyo qaraxyo qorsheysan, kuwaas oo mas’uuliyadooda ay ka dambeyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

(harappa.education)

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

  1. Gaalada qurmuunee
    Qaska iyo xumaantiyo
    Qalalaasa doon kaa
    Qarax lagu dhameeyiyo
    Qoobko miino loosuro
    Quud ay cunaan iyo
    Qado inay u noqotaa
    Qiyaas waa cadaalade
    Qamciyoo dhameeyoo
    Qudha jara nijaasada
    Qaraabiyo manihin ehel
    Iyo qoys walaalee
    Qaxan iyo bursayn iyo
    Qabadsiiya miinoo
    Qudha jara nijaasada

  2. Qiiriyo ragaan layn
    Qiyam ay dug sanayaan
    Qaran koodu waa jabay
    Qudhoodaa la baayici
    Qaanfuur madaw iyo
    Qoys Eebe diidaa
    Qabaan iyo siday yiin
    Qawsaar adeegsani
    Baaruuda qaraxdiyo
    Hadaan olol la qabad siin
    Qoys wada ridoobiyo
    Qolo liidataan noqon
    Qamciyoo nijaasada
    Qoorta olol u galiyoo
    Qabadsiiya miinada
    Amxaarooy qandhicileey
    Qiiriin cun leeyey
    Qoyski Gurey ayaan nahay
    Qoon geesiyaal nahay
    Qoladaad taqiin iyo
    Soomaalaan qiyaas nahay
    Inkastoo qabaaniyo
    Qawsaaro nahodeen
    Misna aanadeen qabe
    Nabad kuma qsyluushado
    Qaafilada maantana
    Quraan ruug yadaw kacay
    Qaaid geesiyow kacay
    Qudhood wiilal hurayiyo
    Shabaab qiiralaw kacay
    Amxaarooy qandhicileey
    Ha qatalin naftaadee
    Qalab kaaga gura oo
    Qaado maydkan qurun kaa
    Ama qoomamiyo hoog
    Qayli aan dhamaad layn
    Suro qoobka jiis kaa
    Ileen waad qatalantee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular