HomeAll newsButin Oo markii 4-aad noqday Madaxweynaha Ruushka.

Butin Oo markii 4-aad noqday Madaxweynaha Ruushka.

Tirin horudhac ah oo lagu sameeyey codadka doorashooyinka dalka Ruushka ayaa muujineysa in Faladamir Butin uu ku guuleystay markii 4-aad inuu noqdo madaxweynaha Ruushka.

Faladamir oo horay loo sahdaalinayay inuu ku guuleysan doono doorashooyinka ayaa helay codad gaaraya illaa iyo 70%, waana natiijo horey loo filayay.

Mucaaradka wadanka Ruushka ayaa ku eedayay gudiga doorashooyinka inuu isdaba marin ballaaran ku sameeyey natiijada doorashooyinka, islamarkaana aaney waxba kajirin natiijada soo baxday.

Faladamir oo 65 sano jir ah ayaa 18 sano oo kamid ah noloshiisa wuxuu kusoo qaatay madaxtinimada, waxaana hadda guushan uu gaaray ay kusoo aadeysaa iyadoo uu khilaaf kala dhexeeyo dowladda Ingiriiska, kadib markii jaajuus Ruushka u dhashey lagu sumeeyey dalka Ingiriiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular