
6 askari oo horay uga tirsanaa maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, dowladda Kenyana ay gadaal ka riixeyso ayaa isku soo dhiibay maamulka islaamiga ee wilaayada Gedo ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Askartan towbad keenayaasha ah oo gaaraya 6 askari, kuna hubeysan qoriyaal AK47 iyo booshashka rasaasta ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Ceel-cadde ee wilaayada islaamiga ee Gedo.
Askarta Towbad keenay ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay ku jireen intii ay katirsanaayeen ciidamada maamulka Jubbaland, oo ay garab dagaallamayeen ciidamada shisheeyaha Kenya iyo kuwa Itoobiya.
Deegaannada Wilaayaadka islaamiga ah ayaa waxaa soo gaaraya ciidamo aad u farabadan oo towbad keenayaal ah, kuwaas oo marka ay fahmeen xaqiiqda gumeysiga ay Shisheeyuhu la doonayaan dalkeena garowsaday inay ka baxaan safka Shisheeyaha.
Askarta dowladda federaalka iyo maamullada hoostaga ayaa marka ay soo towbad keenaan waxay wilaayaadka islaamiga u lacageeyaan hubka ay wataan, iyagoona markaas kamid noqda bulshada muslimiinta ee hoos harsanaya raayada Towxiidka.