Askar ka tirsaneyd dowladda federaalka ah oo isu dhiibtay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa lagu soo bandhigya degmada Aadan yabaal ee gobalka shabeelaha dhexe ,waxayna sheegeen in ay allaah u towbad keeneen oo ay ka noqdeen aragtidoodii sababtay in ay shisheeyaha kaaliyaashiisa ka mid noqdaan.
Wareysiyo wariye ka tirsan radio alfurqaan oo socdaal shaqo ku tegay shabeelaha dhexe kula yeeshay Aadan yabaal waxay askartaanu ku sheegeen in ay la soo kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horeyso naceybka shisheeyaha ay la shaqeynayeen u qabo diinta islaamka.
Waxay intaa ku dareen in shaqada ciidamada dowladda federaalka ah ay ka mid tahay in ay gabdhaha Soomaaliyeed askarta shisheeye u geeyaan si ay u fara xumeeyaan taasuna aanay ahayn wax loo dul qaado karo.
Waxay isaga marqaaati kaceen in mushaar toos ah aanay helin mudadii ay shaqeynayeen, waxayna intaa ku dareen inay ku faraxsan yihiin in iminka ay joogaan deegaanada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ka taliso.
Askartaanu waxay qireen in ciidamada dowladda federaalka ahu dhac u geystaan dadka shacabka ah madaxduna ka sii daran tahay oo ninba kan uu ka derejo sarreeyo ka sii tuugsan yahay.
Nuur yuusuf cali , Maxamed axmed raage iyo Nuur maxamed axmed ayaa hadda ka mid ah dadka harsanaya shareecada islaamka ,waxaanay askarta dowladda federalaka ah ugu baaqeen in ay joojiyaan ka bar bar dagaalanka shisheeyaha ku soo duulay diinta islaamka isla markaana doonaya in uu Soomaaliya gumeysto.
Halkan ka dhageyso wareysiyada laga qaaday askarta.
Hoos ka daawo sawirada.