Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federalka ah ayaa si toos ah u mucaaraday tallaabadii dhawaan Yariisow loogu magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Xildhibaanadan oo kala ah Axmad Macallim Fiqi iyo Sakariye Maxamuud Xaaji oo meel madal ah ka hadlayay ayaa sheegay in aysan cadaalad ahayn in madaxda dowladda ay magacaabaan gudoomiyaha gobolka Banaadir gobolada kalana aysan magacaabi karin.
Fiqi ayaa sheegay inaaney habooneyn tallaabada uu madaxweynuhu u qaaday magacaabista gudoomiyaha gobolka, waliba wuxuu si gaar ah u weeraray Yariisow oo uu ku tilmaamay nin aanan u qalmin.
Sidoo kale Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad adag isagoo sheegay iney jiraan madaxweynayaal tira badan iyo calamo kala duwan, kuwaasoo dalka u horseedaya burbur iyo kala qoqobnaan.
Dowladda federalka ah oo la og yahay in iyadaba loo keenay sidii wadankan loo kala qeybin lahaa ayuu ugu baaqay iney wax ka qabato sidoo kalana iska deyso dhaqamada gudoomiye magacaabista ah.
Dad badan oo ka tirsan dowladda federalka ayaa mucaaradsan C/raxmaan Yariisow maadaama uu horey sumcaddiisa ugu dilay wasaaraddii warfaafinta ee uu madaxda ka ahaa kadib markii uu caado ka yeeshay inuu been qayaxan ka dheego gumaadka uu Mareykanka u geysanayo shacabka Soomaaliyeed.