HomeAll newsWar Degdeg Ah: Dagaal Khasaare Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Dowladda Iyo Duqeyn Ka...

War Degdeg Ah: Dagaal Khasaare Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Dowladda Iyo Duqeyn Ka Dhan Ah Amisom oo Sh/hoose Ka Dhacday.

Gaari dagaal ayaa ciidamada dowladda federalka ah looga qabsaday dagaal duhurnimadii maanta ka dhacay meel u dhow degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeelaha hoose.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsa Xarakada Al-Shabaab ay dhabbaha u galeen askar ka tirsan kuwa dowladda kuwaasoo ay kala wareegeen gaari Qooqan ah iyadoo sidoo kale ka dilay askar kana furtay hub.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa sidoo kale duhurnimadan duqeeyay meel duleedka Baraawe ah oo ay ciidamada shisheeye ka dhisanayaan garoon diyaaradeed. Lama soo sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay duqeyntan.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular