Askar ka tirsan ciidamada dowladda federalka ah ayaa gacanta ku dhigay taliye ku xigeenka hey’adda Nabad sugidda DF xilli uu u duulayay magaalada Baydhabo islamarkaana uu watay lacag doolar ah oo aad u badan.
Taliye ku xigeenka oo Abdulqadir Mohamed Nuur Jaamac ayaa sida ay ilo wareedyo xaqiijinayaan watay boorso ay ku jirto lacag dhan 1.5 milyan oo dolar oo la tilmaamay iney usoo dhiibeen saraakiil reer galbeed ah islamarkaana uu u waday Abuu Mansuur oo shisheeyaha kala shaqeeynaya waxa loogu yeero la dagaalanka argagixisada.
Xogo kale ayaa waxay sheegayaan in lacagtani ahayd mushaar loogu tala galay ciidamada Bs-ta loo yaqaano balse uu taliye ku xigeenku doonayay inuu musuqmaasuqo, waxaana uu haatan ku jiraa xabsi guri ay maamulaan ilaalada gaarka ah ee ra’iisulwasaaraha.