HomeAll newsDhageyso+Akhriso:Daraasad Lagu sheegay in Weerarada Nafhurnimada Ah Ee Al-Shabaab Ay Beegsadaan DF...

Dhageyso+Akhriso:Daraasad Lagu sheegay in Weerarada Nafhurnimada Ah Ee Al-Shabaab Ay Beegsadaan DF Iyo Shisheeyaha.

Xarun qaabilsan waxa loogu yeero “La dagaalanka Argigixisada” oo ka tirsan Kuliyadda ciidamada Mareykanka ayaa soo saartay daraasad cusub oo ku saabsan weerarada naf hurnimada ah ee ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Daraasaddan oo lagu soo bandhigay macluumaadyo iyo qiimeyn ayaa waxay si qoto dheer kaga hadashay hababka ay weeraradu u dhacaan, goobaha lala beegsado, iyo heerka tababar ee ciidamada fulinaya hawl galladaasi.

Warbixinta oo ka kooban 45 Pog ayaa cinwaan looga dhigay “Beegsiga Argagaxa ah ee naf hurayaasha Al-Shabaab” waxayna isdul taag ku sameyneysaa weerarada iyo camaliyaatka Istish-haadiga ee ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab laga soo billaabo 2006 ilaa 2017.

Daraasaddan oo ay u dhabba galeen cilmi baarayaasha lagu kala magacaabo “Jaason Warner iyo  Ellen Japin” ayaa lagu muujiyay sida ay Al-Shabaab uga taxadaraan inaan la ogaan waxa ay maagan yihiin iyo xogaha ku saabsan dhacdooyinka ay geysanayaan. Waxaana warbixintu ay sheegeysaa in inkastoo halista Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay tahay mid dhab ah haddana ay adag tahay in la helo qaabka iyo goorta ay Xarakadu go’aansato inay fuliso camaliyad Istish-haadi ah taasna ay ku khasabtay labadan cilmi baare in ay diiradda saaraan uruurinta macluumaadka lagama maarmaanka ah iyo soo gudbinta natiijoojin wax ku ool ah si loo daba galo arintaasi.

Cilmi barista ayaa lagu sheegay inay weerarkii ugu horeeyay ee Istish-haadi ah oo ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu dhacay 18kii Samptember 2006, wixii taariikhdaas ka dambeeyayna, gaar ahaan intii u dhaxaysay saptember 2006 ilaa laga soo gaaro Oktobar 2017 ay Al-Shabaab qaadeen ugu yaraan 155 Camaliyad Istish-haadi ah kuwaas oo ay fuliyeen 216 Istish-haadiyiin ah, taas oo isku celcelis noqonaysa inta u dhaxaysa 1 ilaa 4 camaliyad bil walba, sida warbixintu ay qortay.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in iyadoo wax lagu dhisanayo xogta laga hayo camaliyaatka Istish-haadiga ah ee Al-Shabaab lagu ogaaday in bartilmaameedyada weeraradaas ay inta badan beegsadaan xubnaha iyo madaxda dowlada, hay’adohooda Amniga ah iyo dhismayaasha ay ku shaqeeyaan, kuwaas oo nasiib u helay in lala beegsado 36.6% weerarada istish-haadiga ah, sidoo kale ciidamada shisheeye, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa warbixinta lagu sheegay in 24.5% lagu beegsado weerarada Istish-haadiga ah, halka 32.4% weeraraadaas lagu beegsado goobaha ay si wadajir ah ugu sugan yihiin dadka aan horay u soo sheegnay sida Hoteelada iyo maqaayadaha ay ku sugan yihiin madaxda DF iyo saraakiisha reergalbeedka, Xilli qarixii hotel Naasa hablood kadib uu Salaad Cali Jeelle sheegay inuu muddo 11 sano ah degganaa hotelka taasoo caddeeneysa xaqiiqda jirta.
Xarunta West Point ee taabacsan kuliyada military-ga ee Mareykanka ayaa sidoo kale warbixinteeda ku cadeysay in baaritaanka iyo dabagalka gaarka ah lagu ogaaday in camaliyaatka Istish-haadiga ah ee mujaahidiinta Al-Shabaab ay yihiin kuwo loo qorsheeyay, loona agaasimay in lagu beegsado laguna burburiyo xarumo  gaar ah iyo xubnaha shisheeyaha balse aanay ahayn kuwo beegsada dadka sahcabka ah ama looga gol leeyahay in lagu argagax geliyo rayadka.

“Waxaa iska cad in yoolka camaliyaatka istish-haadiga ah ee Al-Shabaab aysan ahayn in lagu beegsado dadka shacab ah ee aanan hubaysnayn” ayaa lagu yiri wabixinta.

Ishtishaadiyiinta Mujaahidiinta Al-Shabaab ayay warbixintu sheegtay in mudnaan gaar ah ay siiyaan khaarijinta xubnaha sar-sare ee cadawgooda kuwaas oo lala eegtay 13.9% weerarada istish-haadiga ah, halka ay sidoo kale Xarakadu ka taxadarto in dadka shacabka ah uu khasaaro ka soo gaaro weeraradaas iyaga ah, Iyagoo raacaya towjiihaad iyo tusmooyin ka soo baxay Ururweynaha Al-Qaacida ee ay beycada kula jirto.

Warbixintu waxay sifeysay raga fulinaya camaliyaatka Istish-haadiga ah ee ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab iyadoo ku tilmaantay inay yihiin kuwo si wanaagsan loo soo tababaro, isla markaana leh go’aano adag, kuwaas oo naftooda geynaya bartilmaameedka loo baahan yahay, gacantooda ku qarxinaya qalabka ay wataan, waxayna sheegtay in 59.7% ay adeegsadaan gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, halka 28.7 ay adeegsadaan suumanka qarxa. Waxay warbixintu sidoo kale sheegtay in inta badan weerarada istish-haadiga ah ay dhacaan maalmaha isbuuca ee shaqada lagu jiro, xilligaas oo masuuliyiinta dowlada iyo kuwa shisheeyaha -sida qaramada midoobay iyo midowga Afrika ay howlaha ku jiraan,  halka weeraradaas ay hoos u dhacaan maalinka Jimcaha ah oo ay Muslimiintu nasanayaan, waxaana dhif iyo naadir ah ayay warbixintu leedahay in la qabto ragga istish-haadiyiinta ah ee ka tirsan Xarakada ka hor inta aanay weerarka fulin.

Warbixinta ayaa ugu dambeyntii talooyin u soo jeedisay hay’adaha sirdoonka ee shisheeyaha iyadoo kula talisay in si mustaqbalka looga hortago weerarada naf hurnimada ah ee Mujaahidiinta Al-Shabaab loo baahan yahay in xoogga la saaro ololaha sirdoonka ah ee fududayn kara in la kala furfuro barnaamijka tababarka istish-haadiyiinta, iyo sidoo kale in la adkeeyo difaacyada xarumaha muhiimka ah ee la beegsado, iyo in dowladaha kala duwan ee dagaalka kula jira Mujaahidiinta ay isla wadaagaan xogaha ay mid waliba sida gaarka ah u soo hesho iyo in ugu dambayn la sii dardar geliyo ololaha la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Hadaba Warbixintaan waxaa soo akhristay siyaasiga suldaan Maxamed Garyare oo aan ka waraysanay waxa kaga baxay.

Halkan ka dhageyso Wareysi Suldaan Garyare.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular