HomeAll newsDagaal Ka Dhacay Degmada Qansax-dheere.

Dagaal Ka Dhacay Degmada Qansax-dheere.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen askarta maamulka K/galbeed ee degmada Qansax dheere kala hawl gasha Xabashida Itoobiya.

Weerarkan oo in muddo ah socday ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare aan xaddigiisa la ogeyn, waxaana si aad ah degmada iyo hareeraheedaba looga maqlayay hugunka hubkii la isku adeegsanayay.

Saraakiil ka tirsan K/galbeed oo aanu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday iney ka waramaan khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ay ku tilmaameen mid lama filaan ah oo uga yimid dhanka Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa aad ugu firfircoon gobolada Bay iyo Bakool iyagoo harsi iyo hoyadba u diiday ciidamada Xabashida iyo kuwa ka garab shaqeeya ee K/galbeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular