Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ee xukuumadda ra’iisulwasaare Kheyrre oo tegay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta ka sheegay war ka duwan kii ay soo tabinayeen waryaasha iyo shacabka degmadaas.
Iyadoo la wada ogsoon yahay in dowladda Kenya si daran ugu soo xad gudubtay degmadan islamarkaana ay darbi dhex marsiineyso ayuu wasiir Juxa dafiray isagoo ka meer-meeray xaqiiqda dhabta ah ee jirta.
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda federalka horey Kenya uga iibsatay Badda haddana ay dooneyso iney mugdi galiso xaqiiqda degmada Beledxaawo oo runtii meel halis ah mareysa.
HOOS KALA DEG WARBIXINTA