HomeAll newsKuuriyada Wuqooyi oo hanjabtay iyo Dalxiisayaal Maraykan ah oo dhintay.

Kuuriyada Wuqooyi oo hanjabtay iyo Dalxiisayaal Maraykan ah oo dhintay.

Kiim John Un oo ah madaxweynaha dalka Kuuriyada wuqooyi ayaa hanjabaad horleh u jeediyay dalka Maraykanka iyo madaxweynaha dalkaas Donald Trump.

Kiim John oo ka hadlayay xaflad loogu dabaaldegayay sanadka cusub ee miilaadiga ayaa sheegay in wadankiisa uu horumar ballaaran ka gaaray hubka Nuclearka, wuxuuna ugu baaqay Maraykanka in arintaas uu qirto.

Wuxuu sheegay Kiim in dhamaan gobollada dalka Maraykanka ay gaaraan sawaariikhda iyo gantaallada Nuclearka ee Kuuriyada Wuqooyi ay gacanta ku heyso, isagoona intaa ku daray in badhanka laga rido Nuclearka uu mar weliba yaalo xafiiskiisa.

Donald Trump ayaa la sheegay in hadalkan uu ka muujiyay cabsi xoogan, waxaana sarkaal Maraykan ah oo hadlay uu sheegay in Donald uu muujiyay shucuur aad u halis badan.

Dhanka dalxiisayaal u dhashey Maraykanka ayaa ku dhintay burbur diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Costa Rica ee dhaca qaaradda Ameerica.

Ugu yaraan 10 dalxiise iyo labo ruux oo kamid ahaa shaqaalaha diyaaradda ayaa lagu soo waramayaa iney dhinteen.

Madaxweynaha dalkan oo hadlay ayaa sheegay inuu ka tacsiyeynayo shilkan dhacay, lamana oga sababta keentay in diyaaradda oo aad u yareyd ay so dhacdo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular