HomeAll newsGudoomiye Ku-xigeenka Degmada Heliwaa oo Ka Badbaaday Qarax Lagu Dili Lahaa.

Gudoomiye Ku-xigeenka Degmada Heliwaa oo Ka Badbaaday Qarax Lagu Dili Lahaa.

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho waxaana ay wararku sheegayaan in lala beegsaday gaari uu la socday gudoomiye ku xigeenka degmada Heliwaa.

Qaraxan oo ka dhacay nawaaxiga Shineemo C/waayeel ayay ilo wareedyo xaqiijinayaan inuu si dirqi ah uga badbaaday gudoomiye ku xigeenka.

Dad meesha ka ag dhawaa ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada dowladda ay isku hareereeyeen meesha uu qaruxu ka dhacay kadibna ay qaadeen gudoomiye ku xigeenka oo ka argagaxsan waxa dhacay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular