HomeAll newsRag La shaqeynayay Sirdoonno kala duwan oo Xukun dil ah lagu riday.(Akhriso...

Rag La shaqeynayay Sirdoonno kala duwan oo Xukun dil ah lagu riday.(Akhriso magacyada).

Maxkamadda islaamiga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xukun xad ah waxay ku riday dhowr ruux oo lagu eedayay iney la shaqeynayeen sirdoono caalami ah iyo kuwa maxalli ah oo dagaal kula jira dadka muslimiinta gaar ahaan Mujaahidiinta.

Deegaanka Iidaale ee wilaayada islaamiga Baay fagaare ku yaala ayaa maanta xukun xaddu riddo ah waxaa lagula fuliyay illaa iyo 5 Ruux oo la shaqeeyay sirdoono kala duwan sida Maraykanka, kan dowladda, maamulka Jubbaland iyo kan Koonfur galbeed.

Mahad Cali Xasan wuxuu la shaqeynayay ciidamada Bangarafka ee Maraykanka uu tababaray, halka Jibriil Saalax Xaaji Maxamed uu la shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka, Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland, Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda, halka C/casiis Ibraahim Maxamed uu la shaqeynayay maamulka Koonfur galbeed ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular