HomeAll newsQarax ka dhacay magaalada Buula-burde oo Askar Jabuutiyaan ah lagu dilay.

Qarax ka dhacay magaalada Buula-burde oo Askar Jabuutiyaan ah lagu dilay.

Wararka ka imaanaya magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in qarax ka dhacay magaaladaas lagu dilay Askar katirsan ciidamada Jabuuti oo kamid ah kuwa Shisheeyaha ku taageeraya duulaanka ay kusoo qaadeen Soomaaliya.

Qaraxa oo si xeeleydsan loogu habeeyey goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa gallaaftay nolosha 3 Askari oo katirsan ciidamada Jabuuti, halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen.

Markii Qaruxu dhacay ayay ciidamada Jabuuti waxay khadka ka saareen Anteenada shirkadaha isgaarsiinta ee magaalada Buula-burte.

Buula-burde ayaa kamid ah magaalooyinka gobolka Hiiraan ee ku jira gumeysiga Shisheeyaha, waxaana ku sugan Ciidamo Jabuutiyaan ah oo dabadhilif u ah ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

(Lorazepam)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular