HomeAll newsKamiin xoogan oo ka dhacay duleedka magaalada Marko.

Kamiin xoogan oo ka dhacay duleedka magaalada Marko.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin jidgal ah u dhigay kolonyo katirsan ciidamada Shisheeye ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Kamiinka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana rasaasta la isku adeegsanayay laga maqlayay meelo fog fog ayaa ciidamada Shisheeye qabsaday iyagoo maraya deegaanka Ceel-wareegow oo dhaca duleedka magaalada Marko.

Ciidamada Shisheeyaha ee kamiinka loo galay ayaa ku wajahnaa sida wararka qaar ay sheegayaan degmada Shalambood ee gobolka Shabeellaha hoose.

Kolonyada ciidamada ee weerarka la kulmay ayaa sida sahay ciidan, waxayna Shisheeyuhu qaati ka taaganyihiin isku gudbinta cuntada iyo qalabka ciidamada maadaama wadooyinka iyo jidadka ay safanyihiin ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular