Dowladda Guatemala oo kamid ah dowladaha xubinta ka ah qaramada Midoobay ayaa shaacisay iney dooneyso in safaaradeeda ay ku leedahay dhulka Yahuuda xooga ay ku hyestaan ee Filastiin ay kasoo rarto magaalada Talla’biib, una soo rarto magaalada Al-Qudus oo dhawaan Donald Trump u aqoonsaday caasimadda maamulka Yahuudda.
Madaxweynaha dowladan oo lagu magacaabo Jemmey Morles ayaa bayaan kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebooka wuxuu ku sheegay inuu go’aansaday in safaaradooda ay ku leeyihiin dhulka gumeysiga ku jira ee Filastiin ay usoo raraan magaalada Al-Qudus.
Go’aankan ayaa yimid markii madaxweynaha Guatemala uu qadka teleefanka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Yahuuda Bin Yamin Natanyahu.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee Yahuudda ayaa u mahadceliyay dowladda Guatamala go’aanka ay qaadatay, wuxuuna ku tilmaamey go’aankan mid wanaagsan oo saaxiibtinimo adag muujinaya.
Dowladan waxay kamid tahay dhowr dowladood oo dhawaan Qaramada midoobay qarar la keenay taageeray go’aanka Donald Trump, waxayna dhacdaa bartamaha qaaradda Ameerica.