HomeAll newsDEG-DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

DEG-DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay gaari ay wateen ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Gaari nooca Hamarka ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha ayaa la qarxiyay isagoo maraya wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Guud ahana askartii saarneyd gaariga ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday goobta, waxaana si dhameystiran u burubray gaariga, waxaana tirada dhimashada la xaqiijinayaa iney gaareyso 5 Askari.

Howlgallada lagu beegsanayo Shisheeyaha xooga ku jooga dalka ayaa sii kordhaya maalmihii tagay, waxaana si isku mid ah loogu beegsadaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada Soomaaliya goobaha ay ka joogaan iyo wadooyinka ay isticmaalaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular