HomeAll newsDEG-DEG: Madaxtooyada oo madaafiic lagu garaacay.

DEG-DEG: Madaxtooyada oo madaafiic lagu garaacay.

Dhowr madfac oo ka dhaca qoriga Hoobiyaha loo yaqaano ayaa goordhow lagu garaacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhowr gantaal ay gudaha ugu dheceen xarunta madaxtooyada oo ay deganyihiin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka.

Waxaa lasoo warinayaa inuu jiro khasaare, balse lama hayo faafaahin intan kabadan.

Ugu yaraan 8 madfac ayaa gudaha ugu dhacay xarunta madaxtooyada oo la rumeysanyahay inuu ku suganyahay madaxweyne Farmaajo.

Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular