HomeAll newsCiidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dagaal ku qaaday Afgooye.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dagaal ku qaaday Afgooye.

Dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay ka dagaallameen gudaha magaalada Afgooye oo qiyaastii 30KM ka fog magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid culus, islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay ciidamada Mujaahidiintu kula wareegeen xaafado katirsan magaalada Afgooye.

Ciidamada dowladda oo markii dambe dagaalka looga awood roonaaday ayaa u baxsaday dhanka kontoroolka Baar Ismaaciil, oo xigta dhanka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa sidoo kale dhankeeda qeyb ku yeeshey weerarkii xalay lagu qaaday Afgooye, waxayna ciidamada Mujaahidiintu wajaheen ciidamada duulaanka ku jooga Afgooye ee shisheeyaha katirsan.

Reer Afgooye ayaa saaka aad u hadal haya dagaalkan qaraaraa, ee xalay ay marti gelisay magaalladooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular