HomeAll newsAskar katirsan Puntland Oo Lagu dilay Boosaaso.

Askar katirsan Puntland Oo Lagu dilay Boosaaso.

Sawir Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegaya in rag hubeysan ay labo Askari oo katirsan Puntland ku dileen bartamaha magaalada.

Askarta la dilay waxay ka tirsnaayeen waaxda qaabilsan baadda ee loogu yeero Canshuuraha.

Rag hubeysan ayaa si wadajir ah u toogtay labada Askari, kadibna goobta ayay kabaxsadeen.

Ciidamo katirsan Puntland ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay, kuwaas oo qaaday meydadka Askarta la dilay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay Askartan Puntland katirsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular