Inkastoo Xarakada Al-Shabaab ay dagaal kula jirto ciidamada shisheeye, haddana horumar dhanka adeegga bulshada ah ayaa si xawli ah uga socdo dhammaan gobolada ay maamusho.
Safar aynu dhawaan ku tagnay gobolada Jubooyinka waxaanu kusoo aragnay xarumo kala duwan oo wax lagu barto kuwaasoo lacag la’aan ah.
Si gaar ah waxay warbixintan sawirrada wadataahi uga warramaysaa magaalada Jilib oo 27 sano kadib uu maamulka islaamiga ah ka hir galiyay iskuul hoose dhexe oo lacag la’aan ah kaasoo lagu magacaabo Al-anwaar.
Iskuulkan oo hir galintiisa iska kaashadeen maamulka iyo bulshada ayaa dhawaan si rasmi ah uga shaqo billaabay magaalada waxaana kusoo biiray arday badan oo ay waalidiintoodu dan yar yihiin.
Indheer garadka magaalada Jilib ayaa inoo sheegay iney ku faraxsan yihiin iskuulkan oo ay ku tilmaameen mid taariikhi ah iyagoo Allaah kadib u mahad celiyay maamulka islaamiga ah.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA