Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus waxay ku qaadeen fariisimiyaal dhowr ah oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
dagaalka oo xalay dhacay wuxuu socday in muda ah, iyadoona la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana magaalada lagu dhex arkay ciidamo katirsan Mujaahidiinta.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu kasoo billowday nawaaxiga magaalada, markii dambana uu kusoo fiday gudaha, iyadoona ugu dambeyn ciidamada dowladda magaalada lagala wareegay.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkan, balse waxaa xusid mudan inuu soo noq noqday dagaallada noocan ah oo ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadaan degmada Afgooye.