Wararka ka imaanaya magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in xillibaan katirsan baarlamaanka Galmudug goordhow lagu dilay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Xillibaanka la dilay waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdi Guuleed, waxaana rasaaseeyey Ilaalada Xillibaan kale oo katirsan Baarlamaanka dowladda oo lagu magacaabo Xillibaan Maxamed Abuukaate.
Lama oga waxa sababay in ilaalada Xillibaan Abuukaate ay rasaaseeyaan Xillibaankan katirsan baarlamaanka Galmudug.
Majiro weli wax war ah oo kasoo baxay maamul goboleedka Galmudug iyo dowladda federaalka oo ku aadan dilka Xillibaankan.