HomeAll newsSarkaal Katirsan Sirdoonka Puntland Oo Lagu Toogtay Gaalkacyo.

Sarkaal Katirsan Sirdoonka Puntland Oo Lagu Toogtay Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa sheegaya in sarkaal sare oo katirsan Sirdoonka Puntland lagu toogtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaas.

Sarkaalka la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Rooble, wuxuuna ahaa xubin firfircoon oo katirsan sirdoonka Puntland.

Rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay Sarkaalka, kadibna waxay goobta uga baxsadeen si nabad geliyo ay ku dheehantahay.

Dilalka loo geysanayo saraakiisha katirsan maamulka Puntland ayaa ka dhaca magaalooyinka iyo degmooyinka uu gacanta ku hayo maamulka uu hogaamiyo Gaas ee xiriirka wanaagsan la leh dowladda Xabashida Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular