HomeAll newsSarkaal Katirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo Caawa Muqdisho Lagu dilay.

Sarkaal Katirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo Caawa Muqdisho Lagu dilay.

Sarkaal lagu magacaabo Nuur Maxamed Afey oo katirsan maamulka degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ee dowladda federaalka ayaa caawa lagu dilay degmadaas.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Sarkaalka toogasho ku dilay, kuwaas oo markii dambe goobta si nabad ay ku jirto kaga baxsaday.

Sarkaalka la dilay ayaa xubin firfircoon ka ahaa maamulka degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, waxaana muuqaneysa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay in muda ah daba joogtay.

Dilalka ka dhanka ah xubnaha iyo Saraakiisha dowladda ayaa aalaaba ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana sheegta mas’uuliyadooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

(https://7ziphelp.com/)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular