Magaalada Haraari ee caasimadda wadanka Zambabwe waxaa ka dhacay aroornimadii hore ee saaka 3 Qarax oo waaweyn, kuwaas oo aan la ogeyn waxay yihiin, iyo goobaha ay ka dheceen.
Wadooyinka magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamada milliteriga oo aad u farabadan, kuwaas oo wata gawaarida dagaalka ee Taangiyadu ku jiraan, islamarkaana koox koox u taagan dhamaan wadooyinka mara magaalada Haraari ee caasimadda wadanka Zambabwe.
Ciidamada Milleterigu waxay la wareegeen xarunta Idaacadda iyo Tvga dowladda, waxaana loo badinayaa in ciidamadu ay Afgembi doonayaan.
Taliyaha Milliteriga oo hadlay wuxuu sheegay inuusan jirin wax Afgembi ah balse ay wadaan howlgal ka dhan ah dad Musuq maasuq wada oo uu sheegay iney ka ag dhowyihiin madaxweynaha dalkaas Ropert Mugabe.
Dowlada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa muwaadiniintooda ku sugan halkaas ugu baaqay iney Taxadaraan, islamarkaana aysan kasoo bixin guryaha iyo goobaha ay joogaan.
Maraykanka wuxuu ugu baaqay dhinacyada isku haya dalkaas iney heshiis gaaraan, waxaana macquul ah in dowladaas ay wax badan ka ogtahay waxa soconaya.
Madaxweyne Mugabe wuxuu sheegay in Taliyaha Ciidankiisa uu ku kacay khiyaano qaran, waxaana guriga uu ku jiro ku hareereysan ciidamo aad u farabadan.
Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka dalka Zambabwe oo aad u kacsan.