Mushara xisiga Kulmiye oo kamid ah Axsaabta Siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi ayaa kuguuleystay doorashada madaxtinimo ee ka dhacday deegaannada uu ka taliyo maamulka gooni isku taaga ee Soomaaliland.
Gudiga Doorashooyinka maamulka Soomali-land ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Musua Biixi uu noqday madaxweynaha maamulka Soomali-land.
Xisbga Kulmiye ee Biixi uu hogaamiyo ayaa helay codad gaaraya 55.19%, hallka xisbiga Wadani uu helay 40. (driventheatre.com) 73%, iyadoona Xisbiga UCID uu ugu codad yaraa uu helay 4.17%.
Axsaabta kale ayaa ku tilmaamay doorashada in lagu shubtay, islamarkaana ay jiran isdaba marin badan, waxaana intii doorashooyinku socodeen dhacay iska horimaadyo u dhexeeya taageeriyaasha Axsaabta.
Maamulka Soomali-land ayaa kamid ah maamullada uu Shisheeyuhu taageero gaar ahaan Itoobiya, kuwaas oo lagu doonayo in lagu kala qeybiyo shacab weynaha Soomaaliyeed.