Talis ay ku mideysanyihiin dhowr Jamaaco oo Jihaadi ah oo lagu magacaabo Jeyshu Muxamed SCW ayaa xamlo militeri oo go’doonka looga qaadayo deegaanno dhowr ah oo la kulmayo go’doon oo ay kusoo rogeen Shiicada iyo nidaamka Mujrimka ee Asad kaga dhawaaqay gobolka Al-Quneydhara.
Bayaan kasoo baxay Taliska waxaa lagu sheegay in mujaahidiinta oo doonaya iney go’doonka ka qaadaan deegaanka Bayt Jinn iyo hareerihiisa ay ku dhawaaqeen howlgalan milliter.
Bayaan kasoo baxay Taliska waxaa loogu baaqay dhamaan Jamaacaadka Jihaadiga iyo kuwa kacdoonka ineysan u hogaansamin cadaadiska uga imaanaya beesha Caalamka waxa loogu yeero, ayna tahay iney sii wadaan wixii ay soo billaabeen dhowrsano kahor ee ah la dagaalanka Nidaamka Bashaar.
Dhamaan Jamaacaadka ayaa loogu baaqay iney kasoo qeyb galaan macrakadan oo ah mid muhiim ah islamarkaana go’doonka looga qaadayo kumanaan ruux oo Muslimiin ah.
Camaliyad Istish-haadi ah ayaa lagu billaabay howlgalkan, taas oo beegsatay malleeshiyaadka Nidaamka Murjimka ah ee Bashaar Al-Asad.
Sawirro lagu baahiyay barta Jeyshu Muxamed uu ku leeyahay Internetka ayaa lagu arkayaa ciidamada Mujaahidiinta oo isku diyaarinaya howlgalka islamarkaana salaad si jamaaco ah u tukanaya.