HomeAll newsMadaxweynaha Magac Uyaalka ah ee Yaman oo Booqasho lama filaan ah ku...

Madaxweynaha Magac Uyaalka ah ee Yaman oo Booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Maraykanka.

Cabdi Rabbi Haadi Mansuur, madaxweynaha magac uyaalka ah ee dalka Yaman ayaa booqasho lama filaan ah wuxuu maanta ku tagay dalka Maraykanka isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban raga la shaqeeya.

Haadi ayaa gaaray magaalada Washighton, waxaana la ogeyn sababaha rasmiga ah ee uu u tagay Maraykanka.

Wuxuu ka duulay dalka Jarmalka oo uu kaga qeybgalayay kulan looga hadlayo cimilada.

Booqashadiisa waxay timid kadib markii dhawaan wakaaladda AP oo soo xiganeysa saraakiil Yamaniyiin ah ay sheegtay in Cabdi Rabbi Haadi uusan ka bixi Karin dhulka Xarameynka, kadib markii amar uu kusoo rogay dhaxalsugaha koowaad ee Xarameynka Muxamed bin Salmaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular