Weerar dhabbagal ah ayaa ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dhigeen askar katirsan dowladda oo ku socdaalayay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan waxay ciidamada Mujaahidiinta ku guuleysteen iney goobta ku dilaan kuna dhaawacaan 7 Askari oo katirsan ciidamada Hirshabeelle oo kamid ah maamullada federaalka ee Shisheeyaha uu ka hirgeliyay dalka Soomaaliya.
Dad ka agdhow goobta uu kamiinka ka dhacay waxay Warbaahinta u xaqiijiyeen iney maqlayeen rasaas kulul oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen.
Ciidamada kala duwan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Shisheeyaha iyo Soomaalida la jirta, waxaana weerarkan uu kusoo aadayaa iyadoo habeenkii xalay howlgal gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu dilay 3 Askari oo katirsan ciidamada Xasilinta, halka lagu dhaawacay 3 kale.